Diyaarinta Hindise Sharciyeedka badqabka iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo Muqdisho looga dooday

26-‘Aug-2024- Muqdisho” Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Hindis Sharciyeed ku saabsan badqabka, ilaalinta iyo Xuquuqda Carruurta waddamada ku bahoobay IGAD.

Shirkan oo labo maalin ka socon doona Isla-markaana ay soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD iyo IOM ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda Xafiiska Madaxweynaha JFS iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, xubno ka socda Hay,adaha UNICEF, World Vision, iyo Ururada Bulshada Rayidka