Dawlada Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay in ay dib u furi doonto maalmaha soo aadan duulimaadyada diyaaradeed ee dalkaasi.
Wasaaradda Gaadiidka dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay in ay dib u furmi doonaan duulimaadyada Caalamiga ah ee dalka Jabuuti si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka Jabuuti oo uu dib u dhac weyn ku yimid.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa la xiray duulimaadyadii diyaaradeedv ee caalamiga ahaa kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad darro uu keenay cudurka COVID-19.
Hadda dalka Jabuuti ayaa waxaa hoos u dhacay cudurkaan oo horay looga helay, waana sababta loo furayo maadaama aysan jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan shacabka iyo dawlada Jabuuti, dhaqaalihii dalkuna uu hoos u dhacay.