Djibouti oo Muqdisho geeysay gurmad caafimaad iyo dhaqaatiir

3″ November 2022″ Muqdisho”

Dowladda Jabuuti ayaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gurmad caafimaad oo loogu talagalay dhaawacyada qaraxyadii 29-kii bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa guddoomiyay gurmadka oo ay wehliyaan Dhaqaatiir loogu tala galay in ay daaweeyaan dhaawacyada culus.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa hore uga codsaday bulshada Caalamka gaar ahaan Saaxiibada dalka in loo soo gurmado lana keeno doono iyo Dhaqaatiir.

Qaraxii ka dhacay Soobe 29-kii bishaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho oo ka badan boqol ruux iyo dhaawac saddex boqol oo kale.

Leave a Reply