Djibouti, Maraykanka, Turkig Iyo Dowlado Kale Ayaa Cambaareeyay Weerarkii xerada Janaraal Goordan

12-Feb-2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay xerada Janaraal Goordan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

Maraykanka oo si adag u cambaareeyay weerarkii xerada Janaraal Goordan

War lagu daabacay barta X ee safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si adag lagu cambaareeyay weerarka xerada Janaraal Goordan oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid fuleynimo ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku u tacsiyadeynayo ehellada tababarayaashii ciidamada Imaaraadka iyo askarta Soomaalida ah ee lagu dilay weerarka argagxiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Maraykanka ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

Nin hubeysan ayaa xalay xerada Janaraal Goordan guduheeda rasaas ooda uga qaaday saraakiisha imaaraadka iyo ilaaladooda, waxana halkaas ku dhintay 3 Imaaraadka u dhashay iyo askari ka tirsan ciidamada Baxrayn, waxana ku dhaawacmay 2 kale oo ka tirsan tababarayaasha milatari ee Imaaraadka ah.

Dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta oo Dawladda Soomaaliya kala shaqayn doonto baaritaanka weerarkii ka dhacay xerada Janaraal Goordan

Wasaaradda Difaaca ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto in ay dawladda Soomaaliya ka caawiso, kalena shaqayso baaritaanka la xiriirra falkii argagixo ee ka dhacay xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 3 ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo askari ka tirsan dalka Baxrayn ay ku dhinteen, 2 kale oo ciidamada Imaaraadka ka tirsana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya xili ay ku jiraan tababar ay siinayeen ciidamada Soomaaliya kaas oo uu dhigayay heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah oo ay horey u gaareen labada wadan.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay qoysaska saraakiisha lagu dilay Muqdisho, iyadoo bogsiimo degdeg ah u rajeysay askarta kale ee dhaawacantay.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin tirada guud ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerarkii xalay nin hubeysan uu ka dhex geystay xerada Janaraal Goordan oo ku taala degmada Hodan, halkaas oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya, isla markaana lagu tababarro.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay saraakiisha Imaaraadka ah ee ku dhintay xerada, mase sheegin tiradoodu inta ay la egtahay.