Warar Dheeraad Ah oo Ku Saabsan Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO” RADIODALSAN

Faah-faahinno  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax galabta ka dhacay Hoteel Elite oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee Gobolkan Banaadir, waxaana Hoteelka la weeraray uu ku yallaa aga-gaarka Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Wareerka oo ku billawday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa markii danbe rag hubeysani waxaa ay gudaha u galeen Hoteelka, kuwaas oo billaabay dagaal toos ah.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegay in dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay ku geeriyoodeen.

Dhimashada rasmiga ah wali lama shaacin balse waxa jira warar sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux oo isugu jira dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, sidoo kale dhaawaca ayaa intaas ka badan.

Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah sida la sheegay Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi, sidoo kale dadka ku dhaawacmay waxaa kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug , Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza.

Waxaa jira dad shacab ah oo dagaalkaas ku waxyeellobay kuwaas oo la gaarsiiyay Cusbitaalada, waxaana ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirade rasmiga ah eek u dhimatay ama ku dhaawacmatay weerarkaas qorsheysnaa ee lagu qaaday Hoteel Elite.

Leave a Reply