Bbc News
Dad muhaajiriin ah oo Soomaali ay ku jiraan ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha dalka Ingiriiska.
Muhaajiriintan ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan sida la sheegay dalalka Iran, Yemen, Masar iyo Soomaaliya,ayaa la qabtay iyaga oo socdaal sharci daro ah doonaya in ay ku galaan dalka Ingiriiska
Tahriibayaasha oo tiradoodu gaareeyso 82 qof ayaa Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Ingiriiska ay qabteen Iyaga oo la socday doomo yar yar.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa sii yaraanayay muhaajiriinta iyo tahriibayaasha doonaya in ay isaga kala tallaabaan qaaradaha dunida .