Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo soo Gabagaboobay

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka HirshabelleCabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ku doortay guddoomiye  ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad u doortay inuu noqdo Siraaji Sheekh Isaaq Cabdullaahi, kaasi oo loogu Codeeyay Cod gacan taag ah, waxaana uu helay 95 Cod, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.

Inta aysan bilaaban Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa tartanka ka tanaasulay Saadaq Salaad Warsame oo ah Musharixii la tartami lahaa Guddoomiye Siraaji Sheekh Isaaq.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa daqiiqado kahor doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Barlamaanka Hirshabeelle Oo La Doortay

Xilka Guddoomiye labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Mahad Xasan Cismaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulka Hirshabeelle u doortay inuu nqodo Mahad Xasan Cismaan, kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 87 Cod.

Sidoo kale Musharax Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas ayaa heshay Codad gaaraya 21, iyadoo ugu dambeyna laga guuleystay.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Mahad Xasan uu ku guuleystay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka, isla markaana uu noqon doono Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, halka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad uu loo doortay Siraaji Sheekh Isaaq Cabdulle.

Ugu dambeyn waxaa Xildhibaanada hortooda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas

Xayeeysiin

Leave a Reply