Doorashada kuraastii Ugu dambeysay Ee Taalla dhuusamareeb oo la soo Gaba-Gabeeyay

25″ February “2022” Dhuusamareeb

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee Beelaha Banaadiriga ee Maanta la qabtay Hop#265 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Nuur Abuukar, waxaana kursi壯陽藥 gaas afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Shariif Maxamed Cumar

Gebi ahaan waxaa Maanta sidaas lagu qabtay doorashada shanta kursi ee Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga, waxaana la xaliyey khilaaf ka dhashay doorashada oo sababay in markii hore la joojiyo, balse markii dambe la fasaxay doorashadaas.

Doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo jimco ah ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#012 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Xayle Jimcaale oo afartii sanno ee lasoo dhaafay kursigaas ku fadhiyey, isla markaana waxaa uu helay 93 Cod, kadib markii loo tanaasulay.

Faa’iso Maxamed Jayte ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#048 ee Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana ay heshay 96 Cod, iyadoo loogu coddeeyay qaab gacan taag.

Sidoo kale Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#071 ee Golaha Shacabka BJFS, wuxuuna helay 80 Cod, isagoo loogu coddeeyay gacan, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa.

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee tirsigiisu yahay HOP#137 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul), isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, isagoo helay  92 Cod.

Leave a Reply