Doorashada Mareykanka: Loollan Dhanka sharciga ah oo La doonayay In uu Pence ku laalo natiijooyinka oo la diiday

3″ January ” 2021″ BBC Somali

Maxaa madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Biden u qorshaysan 2021? Anthony Zurcher weriyaha sare ee BBCda uga soo warrama Waqooyiga Ameerika ayaa warbixintan ku eegaya

Waxaa guuldarraystay iskudaygii ugu dambeeyay ee ay wadeen xulafada Madaxweyne Donald Trump ee ay doonayeen in lagu laalo natiijada doorashadii Mareykanka ee la qabtay bishii Nofeembar.

XAYEEYSIIN”

Xaakim ku sugan gobolka Texas ayaa waxa uu diiday kiiskaasi uu maxkamadda horkeenay Louie Gohmert oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu joojiyo inuu meelmariyo natiijada kama dambaysta ah.

Qareennada Mr Pence ayaa waxa ay Khamiistii codsadeen in kiiskaasi meesha laga saaro. Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego 20-ka bishan Janaayo. Mr Trump ayaanan weli qirin in laga adkaaday,

Mr Gohmert oo ah Jamhuuri ka tisan Kongareeska Mareykanka ayaa waxa uu Newsmax TV u sheegay inuu qorshaynayo inuu racfaan ka qaato go’aankaasi.

Saaxiibbada Mr Trump iyo dadka ay howl-wadaagta yihiin ee ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa tan iyo Nofeembar waxa ay maxkamadaha geeyeen tobannaan dacwo oo ay doonayaan inay ku laalaan natiijada doorashada uu guusha wayn ka gaaray Mr Biden.

Guusha Biden ayaa waxaa lagu dhawaaqay maalma kaddib tirinta cododka kuwaas oo qaatay wax ka badan intii sanadihii hore lagu soo afjari jiray sababtuna waxa ay aheyd inay badnaayeen cododka boostada lagu soo dhiibtay fayraska korona awadii.

Mr Trump ayaa waxa uu shaaciyay eedo aan kalasooc lahayn oo uu ku andacoonayay in guusha Mr Biden ay ku timid hab ku shubasho ah, taas oo madaxweynaha la doortay uu ku helay 306 cododka ergada doorashada ah halka ninka ay tartamayeenna uu helay 232 ergo” Ergada doorashada waa hannaan gobolkasta oo Mareykanka ku yaal uu ku helo dhibco u gaar ah taas oo lagu wareejiyo cidda ku guulaysata gobolka. Musharrixii helaa aqbaliyadda ayaa waxa uu ku guulaystaa xilka madaxtinimada.

Khamiistii qareen ka socday Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka oo matalayay Mr Pence ayaa waxa uu Mr Gohmert ugu baaqay inuu kiiska iska dhaafo, iyadoo uu soo jeediyay in xafiiska madaxweyne ku xigeenka uusan lahayn shaqada ah inuu baaro natiijada soo baxday.

Walow la filayo in inta badan Jamhuuriyiinta ku jira Kongareeska ay u codayn doonaan xaqiijinta natiijooyinka, ayaa haddana tira yar oo uu ku jiro Senator Josh Hawley, waxa ay sheegeen inay qorshaynayaan inay arrintaas ka hor yimaadaan. Hasayeeshee codkooda lama filaayo in natiijada ay wax ka badalaan.

Mr Biden ayaa lagu wadaa xilka madaxtinimada loo dhaariyo 20-ka bishan Janaayo, iyadoo xafladda dhaarinta ay ka qeybgeli doonaan 1,000 qof oo kaliya, taxadar fayraska korona awadii.

Leave a Reply