Xildhibaannada Ceelwaaq oo la diiday in laga Saaro Hoolka Doorashada Afisiyooni

MUQDISHO-27-April 2022 – SNTV

Waxaa haatan si toosa u bilaabatay doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, halkaas oo uu shirka golaha uu furay guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Kulanka lagu dooranayo shirguddoonka golaha ayaa si habsami ah u socda, waxaa ugu horrayn la ansixiyey ajandaha kulanka iyo habka codayntu u dhacayso.

壯陽藥 55″>Toos: Doorashada guddoonka golaha shacabka oo bilaabatay iyo Mursal oo ka haray tartanka

Xildhibaannada Hoolka ku sugan ayaa tiradoodu tahay 257, kuwaasi oo Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu sheegay in aysan 17 kamid ah Coddeyn doonin.

16 Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq oo hoolka ku sugan ayaa loo diiday in ay Coddeeyaan.

Ugu horreyn waxaa lagu galey Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo aad u adag, isla markaasna ay u sharraxan yihiin Musharixiin gaareysa 7 musharax.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,, Maxamed Mursal ayaa isaga haray tartanka Doorashada.

CUSBOONEEYSIIN

Wararka naga soo gaaraya Teendhada Afisiyooni oo ay goordhow ka billaabaneyso Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka oo ka dhago adeegay dalab ku aadan in Hoolka laga saaro 16 Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha ay u tageen Xildhibaanno is-xilqaaday, si looga fogaado buuq iyo qalalaase ka dhasha Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaa weli taagan khilaafka la xiriira kuraasta Gobolka Gedo oo lagu kala doortay Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Fadhiga ay Golaha Shacabka ku dooran doonaan Guddoonka cusub ayaa daqiiqado ka dib lagu wadaa in uu furmo, waxaana goobta ku sugan mas’uuliyiin kale oo kor joogteyneysa.

Leave a Reply