Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
12″ Aug” 2021″ Thursday ” BBC somali
Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka, kaasoo ka kooban 54 xubnood. Xildhibaannada loo soo doorto Aqalka sare waxa ay ka kala imaadaan shanta dowlad goboleed. Haddaba sidee loogu kala qeybiyay?
Galmudug ayay maanta ka dhacday doorashada Aqalka sare oo ay kusoo baxeen lix mudane, halka horayna ay uga dhacday dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Sida ku xusan xeer-hoosaadka Aqalka Sare, shaqada xildhibaannada waa in ay matalaan deegaannada laga soo doortay iyo maamul-goboleedyada ay ka yimaadeen.
Sidee loo qeybiyay 54 xubnood oo matalaya maamul goboleedyada?
Dood muddo dheer socotay oo uu Baarlamaanka ka fariistay ayaa muranno badan kaddib lagu meel mariyay inta xubnood ee maamul goboleed kasta uu ka qaadanayo kuraasta Aqalka Sare.
Puntland iyo Somaliland ayaa la siiyay kuraas ka badan maamullada kale, oo ah midkiiba 11 xubnood. Afar maamul goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la kala siiyay midkiiba siddeed xubin.
Xayeeysiin
Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ku gacan seyrtay qeybintaas, iyadoo sheegatay in ay tahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.
Hase yeeshee kuraasta gobollada Somaliland waxaa u taagan mudaneyaal kasoo jeeda gobolladaas.
Baarlamaannada dowlad goboleedyada ayaa soo dooranaya xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, marka laga reebo kuraasta Somaliland iyo gobolka Banaadir oo lagu dhisayo hab gaar ah.
Yaa la doortay ilaa hadda?
Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee July ayay qabsoontay doorashadii ugu horreysay ee Aqalka Sare oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee ka tirsan maamulka Jubbaland.
Maamul goboleedyada qaar ayaa dhammeystiray kuraasta Aqalka sare halka qaarkoodna ay qabyo ka tahay.
Jubbaland
Afar xubnood oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka sare ku matali doona Jubbaland ayaa la doortay 29-kii bishii July, iyadoo ay harsan tahay doorashada afarta xubnood ee kale.
Waxa kala yihiin:
- Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”
- Iftiin Xasan Iimaan “Baasto”
- Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan
- Ilyaas Baddal Gaboose
Koonfur Galbeed
Doorashada Aqalka sare ee Koonfur Galbeed oo dhacday 2-dii bishan August ayaa waxaa kusoo baxay dhammaan siddeedda mudane ee loo qoondeeyay maamulkaas. Waxaa ka dhex muuqda labo gabdhood oo kusoo biiray Aqalka Sare.
Waxay kala yihiin:
- Maxamuud Maxamed Cabdinuur
- Aadan Cabdinaasir Maxamed
- Zamzam Ibraahim Cali
- Ayaan Aadan Bacdullaahi
- Xuseen Maxamed Daahir
Puntland
Doorashada Aqalka sare ee Puntland oo dhacday ayaa lagu dhammeystiray xubnaha ku matali doona Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Waxaa ku guuleystay:
- Cabdiqani Geelle Maxamed
- Saynab Yuusuf Maxamed
- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole”
- Farxaan Cali Xuseen
- Daahir Ayaanle Siciid
- Maxamed Cabdi Cismaan “Majiino”
- Maxamed Cabdi Yuusuf “Gaagaab”
- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
- Sareedo Maxamed Xasan “Jeyte”
- Cabdisamad Yuusuf Maxamed “Abwaan”
- Cabdullaahi Cali Xirsi “Timo Cadde”
Galmudug
Doorashada Galmudug oo dhacday maanta waxaa lagu doortay lix mudane oo ku biiray Aqalka Sare.
Waxay kala yihiin:
- Duniyo Maxamed Cali
- Cabdixakiin Macalin Axmed
- Cabdi Axmed Dhuxuloow
- Yuusuf Geelle Ugaas
- Samsam Daahir Maxamuud
- Siciid Siyaad Shirwac