Doorasho qof iyo cod oo lagu wado in sanadka dambe ay ka dhacdo Soomaaliya” iyo sida looga falceliyay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka maqnaayeen labada maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubaland, waxaana laga soo saaray war murtiyeed.

Qeybaha hore ee warmurtiyeedka ayaa lagu bogaadiyay howlgallada ciidanka iyo in ay fariisimo ay horay u heysteen ATMIS ay la wareegtay dowladda.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baaq u diray xubnaha ka maqan shirkaan oo ay kala jeedaan labada dowlad-goboleed ee Puntland iyo Jubaland.

Golaha ayaa ku baaqay in la dhaqangaliyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo ay kamid yihiin in dalka ay ka qabsoomto doorasho ku dhisan nidaamka xisbiyada oo ay shacabku soo dooranayaan.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay in xukuumadda ay soo dhisto guddi qaran oo madax bannaan oo doorashooyinka iyo xudduudaha ah.

Qeybta dambe ee warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in golaha ay isku raaceen doorashooyin ka qabsoomaya dowladaha hoose kuwaas oo dhacaya bisha Juun 2025, iyo doorashada baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda oo dhaceysa Sebtembar2025, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.

Shirkan ayaa billowgii bishaan ka furmay Muqdisho.

Furitaanka shirkaan ayay waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada dalka marka laga reebo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Kadib markii uu muddo socday ayaa lagu dhawaaqay in dib la isugu soo laabto waxaana xilligaas isaga baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyadoona madaxda kale ay dib u fureen shirka.

Qaar ka mid ah madax horay xilal uga soo qabatay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii xalay ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxda ka hortimid warmurtiyeedka waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore Farmaajo oo bartiisa Facebook qoraal dheer ku daabacay ayaa yiri: “Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka”.

Dhanka kale xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri: “Ma jirto qolo kaligeed go’aan ka gaari karta masiirka dalka. Waxaan mar kale Madaxweyne Xasan kaga digaynay halista muddo-kororsigu leeyahay iyo in jidka loo joojin-maayo uu yahay mid lagu jabo, waxaana ugu baaqnay in uu dhalanteedka dhinac iska dhigo, garashada u soo laabto, muujinaya qaangaarnimo siyaasadeed”.

Dhanka kale waxa ay ka hor yimaadeen qodobbada la xiriira doorashooyinka dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, oo ay ku tilmaameen in muddo kordhin aan sharci ahayn loo sameeyay.

Suurtogal Soomaaliya maka tahay doorasho qof iyo cod?

Soomaaliya

Dr. Cabdiweli Maxamed Gurey oo barta culuumta siyaasadda islamarkaana ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba, “Dareenka ay wadato arrintaan war-murtiyeedka dadku siyaabo kala duwan ayay u arkaan, waxaa laga hadlay doorasho, baaq loo dirayo dadkii la rabay talada inay ka go’do, iyo qodobbo kale oo aan macquul ahayn maadaamad aysan goobjoog ahayn marka halkaa waxaa ka muuqda is-diid iyo khilaaf,” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday qodobbada la xiriira doorashooyinka waxa uuna ku tilmaamay inaysan suurtagal noqon karin waqtiga loo qabtay inay ku qabsoomaan doorashooyinka.

“Waxaan ku sababeynayaa farsamada, nabadgalyada, gaaritaanka xoreyn la’aanta goobo badan oo ay ka qabsoomi lahayd iyo qodobo kale,” ayuu raaciyay.

Dr Cabdi Wali Maxamed Gurey ayaa soo hadal qaaday maqnaashaha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland isagoona xusay inay ka dhigantahay wax aan loo dhameyn oo aan lahayn xal siyaasadeed oo ay ku qabsoonto doorasho dadka dhan u simanyihiin.

Puntland ayaa horay u diidday shirkaan, halka Jubaland oo bilowgii bishaan marka uu shirku furmayay qayb ka ahayd isaga baxday waxa ayna markaas soo saartay mowqifkeeda iyo sababaha ay ku diiddan tahay.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in wadahadal lala gali doono dowlad-goboleedyada ka hor yimid shirkaan, waxa uuna sheegay in deegaannadooda ay ugu tagi doonaan si xal loo gaaro ama in ay dowladda dhexe gogol u fidin doonto si Muqdisho looga arrinsado waxyaabaha la isku hayo.