17″ February “2022 Dheeho
Galmudug Oo Soo Saartay Liiska Kuraasta Doorashada Ugu Horreeysa Ee Taalla Gaalkacyo
Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Liiska 11-kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo doorashadooda la qaban doono.
11 kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaa Odawaa, waxaana tartanka kursigan uu ka mid yahay kuraasta sida weyn isha loogu haayo oo tartankiisa ka dhaxeeyo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa iyo Wasiirka Ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo saaraan jadawlka doorashada kuraastan la shaaciyay, waxaana doorashadoodu lagu qabanayaa Magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.
Doorashada Kuraastii Ugu Dambeysay Ee Taalla Magaalada Baraawe Oo Maanta La Qabtay
Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwoodii ugu dambeeyay ee yaalla Magaaladaas.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-062 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Aweys Maxamed Cumar iyo Abuukar Maxamud Macalin Cumar, waxaana doorashada ku guuleystay Aweys Maxamed oo helay 80-cod, halka Abuukar Maxamud uu isna helay 15-cod, 2-cod ayaa halaabay.
Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195 ee Xubinnimada Golaha Shacabka BFS, isagoo heley codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayey Nuur Cali Nuur 19-cod.
Kursiga tirsigiisu yahay Hop-187 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Cumar Aadan iyo Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashada kusoo baxay Dr Cali Fiqi oo helay 80-cod, halka Nuur Cumar uu isna helay 16-cod.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-057 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Muqtaar Axmed Xasan oo helay codad gaaraya 87-cod, isla markaana waxaa doorashada kula tartamay Iidle Ibraahim Nuur oo helay 7-cod, 1-cod ayaana Halaabay.
Kursiga Hop-194 ee ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Magaalada Baraawe ayaa waxaa ku guuleystay Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda xi犀利士 lgaarsiinta, isagoo helay 83-cod, halka musharaxii la tartamayey ee Qasaali Fiqi Abuu uu isna heley 12-cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Koonfur Galbeed, wuxuuna maamulkii ugu horreeyay ee dhammeeyay deegaan doorashada
Xildhibaano Cusub Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ….
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamed iyo Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi, balse waxaa tartanka ka hartay Shamso Cabdullaahi.
Ergada doorashada oo aheyd 101 ergo ayaa Cod gacan taag ah ugu Coddeeyay Mahad Maxamed Salaad inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna helay Mahad Salaad dhammaan codadkii gacan taaga ahaa ee ergada doorashada.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#055 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la tartami lahaa Maxamed Xuseen Abuukar.
Doorashada kursiga HOP#035 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Axmed Cabdi iyo Cumar Cali Cabdi oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, balse waxaa doorashada ka haray Cabdullaahi Axmed.
Cumar Cali Cabdi ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga HOP#035 ee Golaha Shacabka, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, waxaana sidaas uu ku helay helay 97 Cod oo ah Codadkii ay dhiibteen ergada wax dooraneysay.
7 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho
Doorashada kuraasta 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Dugsiga tababarka Ciidanka Boolisk Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, isagoo helay 85 Cod, kadib markii ay u tanaasushay Sacdiya Maxamed Cabdi oo la tartami laheyd.
Doorashada HOP#212 ayaa waxaa ku tartami lahaa Farxiya Maxamed Cabdullaahi iyo Nuuriya Aadan Ciise, hayeeshee inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka tanaasushay Farxiya Maxamed, sidaasina lagu doortay Nuuriya Aadan oo heshay 93 Cod.
Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#207, waxaana kursigaas kusoo baxay DR Maxamed Xasan Maxamed oo helay 97 Cod, kadib markii ay u tanaasushay Hodan Ilyaas Bashiir.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#242 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ahaa Faadumo Ismaacil Xuseen iyo Aasiya Cabdirashiid Faarax, balse tartanka ayey Aasiya Cabdirashiid ka hartay, waxaana kusoo baxay kursiga Faadumo Ismaacil oo heshay 95 Cod.
Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada kuraasta labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#258, iyadoona ay ku tartami lahaayeen Sahra Yuusuf Cige iyo Aamina Abuukar Maxamed, balse Aamina ayaa u tanaasushay Sahra Yuusuf oo heshay 96 Cod.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#224 ayaa waxaa kusoo baxay Caydaruus Saalax Yuusuf oo helay 97 Cod, kadib markii ay tartanka ka tanaasushay Hoodo saalax Cabdi oo la tartami laheyd Caydaruus Saalax.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 ayaa waxaa ku tartami lahaa Maryam Maxamed Nuur iyo Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog, waxaana kusoo baxay Nuuradiin Cabdullaahi oo helay 96 Cod, waxaana tartanka doorashada ka hartay Maryam Maxamed Nuur.
Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog ayaa waxaa uu ahaa Wariye ka howlgeli jiray Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa, balse markii dambe ayuu soo wareystay Magaalada Muqdisho, isagoona haatan ka howlgalayey mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ah.