Africa Doorkee ayay ku leedahay dhaqaalaha caalamka ?

19″ October “2022 ” Aljazeera

Doorka ay Afrika ku leedahay dhaqaalaha caalamka ayaa muujinaya in uu yahay mid aad u hooseeya oo ciriiri ah oo gees u riixis badani uu ku jiro

Wadamada Afrika waxay sheegeen in la takooray siyaasada maaliyadeed ee caalamkuna ay caqabad ku tahay helitaankooda suuqyada raasamaalka.

Saamaynta Afrika ee arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah ayaa weli ah “mid aad u ciriiri ah oo la takooro”.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa faallooyinkaas ka jeediyay horaantii toddobaadkan magaalada Washington, DC, iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ay yeesheen shirar sannadle ah.

Inkastoo aragtida dhaqaale ee ugu dambeysay IMF ee ku aadan Afrika ay muujineyso in gobolka uu wajahayo hubanti la’aan hadana Madaxd Africa ee ka qayb,galay kulanka waxay codsadeen in aan la ilaawin qaaradda.

Leave a Reply