18- August-2023- Dheeho
Doorka xag-jirnimada rabshadaha wata ay ku leeyihiin curyaaminta horumarka waxaa tusaale weyn ka bixinaya xaaladaha nololeed ee ka jira magaalooyin ay dowlada Fadaraalka Somalia ay dooneeyso inay ka bixiso gacanta kooxda argagixisaxa ah ee Alshabaab
La,aanta dabadheeraatay ee maamul dowladeed iyo joogitaanka argagixisada qeybo ka mida gobolada somalia ooy wali ku dhuumaaleystaan kooxda Alshabaab ayaa bulshooyinka ku nool ka dhigay kuwo Jilicsan oo martigaliya duruufo qalafsan oo xaga nolosha ah .
Burburka adeegyadii bulshada ooy ugu horeeyso goobaha waxbarashada iyo Isbitaalada aan loo ogoleyn dhaawacyada argagixsada mooyee inay cid kale caafimaadkooda lagu dabiibo waxay dadka magaalooyinka Ceelbuur , Galhareeri iyo tuulooyinka hoos yimaada u kaxeeysay inay noqdaan sidii jaziirad ku taal meel cidlo ah oo aan ka tirsaneeyn Somalia
Inakstoo kooxda argagixisada Alshabaab ay mudo dheer isku gaalaa bixineeysay Somalia hadana 5-tii sano ee u danbeeysay ee dowladii Madaxweyne Farmaajo magaalooyin ay Ceelbuur ugu fac weyntahay iyo deegaano kale oo haatan gacanta dowlada Somalia ku soo laabtay waxay soo jiiteen Istaraatiji ahaan kooxda Alshabaab oo hooy ka dhigtay, Iyadoo nabad la,aanta iyo Colaadaha xagjirnimada wata ooy soo raaceen Abaaro is,xigxiga ay dadka u bandhigtay Saboolinimo ba,an
Dowlada Somalia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dib loo doortay bishii May ee sanadii 2022-dii ayaa biloowday gurmad iyo howlo samata bixin, laakiin gaarsiinta gargaarka bani,aadantimo dadka ay abaaruhu waxyeeleeyn ee deegaanada ay argagixsadu wali kaga sugan tahay dalka ku yaal geeska africa ayaa la kulmay caqabad iyadoo dowladu ay la legdameeyso mid ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee hortaagan dhimista faqriga