MUQDISHO” RADIODALSAN
Dowladda dalka Shiinaha ayaa Soomaaliya lacag ugu deeqday, lacagtaas oo sida ay sheegtay wax looga qaban doono fatahaadaha dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Lacagta deeqda ah ayaa gaaraysa $50,000 oo dollar, taasi oo sida la sheegay Soomaaliya looga caawin doono dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabbeelle oo dhawaan ku fatahay qaybo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.
Lacagta deeqda ah ee Shiinahu ay sheegeen in Soomaaliya ay ugu deeqeen ayaa la sheegay in ay tahay lacag aad u yar marka loo eego Shiinaha oo waddan dhaqaale badan haysta ah iyo baahiyaha ka jira Soomaaliya oo aad u farabadan, waxaana xusid mudan in dalalkii horay uga qayb qaatay caawinta dadkii uu saameeyay wabiga shabeelle ay lacag tan ka badan ugu deeqeen Soomaaliya.
Saameyntii ka dhalatay Fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa ah mid wali muuqata oo shacab farabaadn oo Soomaliyeed ay la dhibtoonayaan, dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in ay wax ka qabanayso dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha wabiga, waxaana ay ku baaqday in loo gurmado bulshada ay dhibaatada xooggani kasoo gaartay fatahaadaha.