8″ February “2022” Mudisho
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saaka Muqdisho kasoo dejisay diyaarad sidday gargaar loogu talagalay dadka ay sameeyeen Abaahara ku dhuftay dalka.
Diyaaradda oo Barqanimadii maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ayaa waxaa ay sidday agab kala duwan oo la doonayo in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, xili Dowlaadda Soomaaliya ay ku baaqday in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay dalka ku dhuftee壯陽藥 n.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlaadda ayaa garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga deeqda siday,waxaana mas’uuliyiinta ka mid ahaa wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka dowladda Soomaaliya Khadiija Maxamuud Diiriye.
Wasiir Khadiija ayaa kaga mahadcelisay gargaarka kasoo gaaray Imaaraatka Carabta, waxaana ay sheegtay in la gaarsiin doono dadka dhibaataysan ee Abaaruhu ku dhufteen.
Sidoo kale Safiirka Imaaraadka oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqda ay ugu talagaleen sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen xaaladaha bani’aadanimo eek a jira Soomaaliya, gaar ahaan dadka Gobolada ku dhibaateysan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga jaawabaya dhibaatooyinka taagan.