Liibiya ayaa sheegtay in heshay 15 meyd ah kadib markii uu dab qabsaday doon ay la socdeen Tahriibayaal qaxooti doon ah

7″ October “2022” Aljazeera

Maamul犀利士 ka Liibiya ayaa helay 15 meyd ah kadib markii uu dab qabsaday doon qaxooti

Shaqaalaha gurmadka Liibiya ayaa soo saaray ugu yaraan 15 meyd ah oo laga helay xeebta magaalada Sabratha, oo ay ku jiraan tiro ku gubtay doon iyo kuwo kale oo xeebta yaal, sida uu sheegay xubin ka tirsan Bisha Cas ee magaalada.

Afhayeen u hadlay Bisha Cas ee Liibiya, Tawfik Al Shukri, ayaa sheegay Jimcihii in mas’uuliyiinta maxalliga ah ay ku wargeliyeen kooxda gargaarka ee maydad ku soo caariday xeebta, ka dib markii ay ku degtay xeebaha galbeed ee dalkaas.
Waxa uu sheegay in dib loo soo saaray oo loo qaaday Isbitaal, halkaasi oo lagu baari doono haraadiga si loo ogaado waxa sababay dhimashada.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Sabratha, oo 70km (43 mayl) dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Tripoli, ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen tahriibayaal uu ku dhex maray muran u dhexeeya laba kooxood oo iska soo horjeeda oo dadka wax tahriibiya ka waday magaalada waqooyi galbeed.

Muhaajiriinta ayaa si joogta ah isugu dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee dalka Liibiya iyaga oo isku dayaya in ay gaaraan xeebaha Yurub. Sabratha waa bar bilow weyn u ah inta badan Afrikaanka ee socdaalka khatarta ah ku maraya badda Mediterranean-ka.

Muuqaal iyo sawiro lagu faafiyay baraha Internetka ayaa muujinayay doon gubaneysa oo joogta xeebta oo uu qiiq madow ka soo qubanaayo iyo wax u muuqday isku mar, kuna gubtay gudaha oo ay ku jiraan haraadiga dad gubtay. Muuqaalka iyo sawirada isla markiiba lama xaqiijin karo

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay bishii June in ugu yaraan 150 tahriibayaal ah oo ka ambabaxayay Liibiya laga cabsi qabo in ay ku qaraqmeen bilihii lixaad ee ugu horeeyay sanadka 2022

Liibiya ayaa noqotay meesha ugu badan ee ay maraan dadka ka soo cararaya dagaalada iyo faqriga ee Afrika iyo Bariga Dhexe oo ay ka jiraan colaado gudaha ah.

Dalka saliida qaniga ku ah oo ay aafeeyeen dagaaladii sokeeye ilaa 2011-kii, dalka saliida qaniga ku ah ayaa u kala qaybsan dawlado iska soo horjeeda, mid walbana waxaa taageeraya macaash caalami ah iyo maleeshiyaad hubaysan oo dhulka ku sugan.

Mukhalasiinta bini’aadamka sannadihii la soo dhaafay ayaa ka faa’iideystey qalalaasaha Liibiya, iyaga oo dadka ka tahriibinayey xudduudaha dheer ee dalka saxaraha ah ee uu la leeyahay lix waddan.

Ka dib waxaa caadi ahaan lagu xiraa doomo caag ah oo aan qalabeyn, waxaana lagu wadaa socdaalo baddeed oo halis ah.

Qaar badan oo ka mid ah kuwa la qabtay oo dib loogu celiyay Liibiya – oo ay ku jiraan haween iyo carruur – ayaa lagu hayaa xabsiyo ay dowladdu maamusho oo ay ka jiraan tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, kufsi iyo baad, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda.

Leave a Reply