Dowlada Maraykanka ayaa cambaareeysay weerarkii shalay lagu qaaday fariisim ciidamada nabad ilaalinta ATMIS ay ku lahaayeen gobolka sh/dhexe

4″ May” 2022″ Muqdisho ”

Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa cambaareeyay weerarkii Shalay lagu qaaday saldhig Ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen gobolka Sh/dexe

Danjire Andry Lari ayaa ciidamada ammaanka ATMIS iyo iyo kuwa Soomaaliya ugu baaqay inu istaagaan la,dagaalanka Argagixisada Alshabaab si loo gaaro nabad

壯陽藥 embed__wrapper”>

Shalay ayey ahayd markii Kooxda Al-shabaab ay weerar dhowr jiho leh ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo qeybta ka howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin Deegaanka Ceelbaraf oo dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

DFS oo ka hadashay weerar khasaaro badan geeystay oo Alshabaab ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka C/baraf

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ay ku gaarsiiyeen Ciidankii Burundi ee ku sugnaa saldhiga badankooda, halka kuwii kale ay ku kala firxadaan dhulka howdka ee ku teedsan saldhigii ay ku sugnaayeen markii hore.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo la qariyay magaciisa ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Dowladaha Qatar & Turkiga oo soo saaray war,saxaafadeed lagu cambaareeynayo weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen deegaanka Ceelbaraf

Leave a Reply