Dowlada Sacudiga ayaa xayiraadii ka qaaday dhoofinta xoolaha Somalia uga iman jiray

29″ December “2022”

Hay’adda Guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aan ku aadan lagu qaaday xayiraadii saarneeyd dhoofinta Hilibka iyo Xoolaha nool Soomaaliya ee la geeyn jiray dalkeeda sida ay sheegtay warbaahinta dowlada

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalka sacuudi carbiya ayaa ,daabacay Xogtalagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha nool ee sida Ariga ,Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Iddaacada dalsan ee magaalada muqdisho ayaa iyana sheegtay in Tallaabadan ay timid iyadoo la tixraacayo Qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

犀利士 ch is-provider-twitter wp-block-embed-twitter”>

Leave a Reply