Dowlada Somalia oo Sheegtay Shirka Dhuusamareeb In Ay Ku Soo Biiri Doonaan Xisbiyada Mucaaradka Iyo Guddoonka Labada Aqal”

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgelayay barnaamij ka baxa warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwa hore isla markaana ka qeyb-gali doonaan guddoonka labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Maareeya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka qeyb-gali doonaan shirka Xisbiyadda dalka,Ururada bulshada rayidka iyo dowlad goboleedyada dalka si loo balaariyo wadatashiga masiirka dalka waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxo hadii ay ka duwan yihiin doorashadii an ansixyeen barlamaanka dib loogu soo celin doono galah

Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay ayuu yiri wasiir maareeye.

15 bisha soo socota ayaa loo balansanyahay wajigi sedexaad ee shirka wadatashiga iyadoo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda qaranka ,kuwa dowlada goboleedyada dalka bulshada Rayidka iyo Xisbiyad kaasi oo looga hadlayo marxalada kala guurka ee dalka sida arrimaha dootashooyinka 2020/201

Leave a Reply