25″ April “2023” Muqdisho
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markale maanta ka hadashay muwaadiniinta ku xayiran dalkaasi, ayada oo sheegtay inay dowladda ay so壯陽藥 o daabuleyso Soomaalida ku xayiran dalka Sudan oo dagaallo ay ka socdaan.
Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in dadaalka loogu jiro samatabixinta muwaadiniinteenna uu meel wanaagsan marayo, isaga oo shaaciyay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono illaa 200 oo muwaadin
Dadka Soomaalida waxay kusoo qulqulayaan xadadka kala duwna, waxaa lasoo gudbiyay illaa 148 muwaadin oo ku sugan hadda Sudan, maanta waxaa la filayaa illaa 200 muwaadin oo Soomaali ah inay soo gudbaan, oo waxay taagan yihiin xadka Al Qadarif ee dalka Sudan, ayna usoo gudbi doonaan xaggan, oo waxaa fududeyn doona diblumaasiyiinteena.”
Diinaari ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Kenya oo 19 Soomaali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda koofurta Suudaan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaaddaan una fududeeyaan safarkooda
Waxaa rajeynayna in dhamaan dadka Soomaalida meel kasta oo ay gaari karaan ay gaaran waxaa meeshaas diyaar ugu ah diblumaasiyiinta kala duwan ee ka howl-galayay safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo Koonfurta Sudan oo hadda diyaar u ah.”
Ugu dambeyntiina waxa uu hay’adaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay in ay dadkooda u gurmadaan oo ay qeyb ka noqdaan sidii muwaadiniinta halkaasi ku xanniban loo samata-bixin lahaa, si ay u helaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.