21 October-2023″
Somalia,Deyn Cafinta oo lagu wado in lagu dhawaaqo December iyo Dowlada oo lagu Amaanay Dagaalka dhaqaale ee ay ku qaaday Al-Shabaab
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dibadda ayaa war cusub kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan marayo dhamaad.
Ugu horreyn wasiirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixintii u dambeysay ee laga soo saaray deyn cafinta Soomaaliya oo ay IMF si weyn ugu boggaadisay dowladda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay sugayaan kaliya in lagu dhawaaqo go’aanka, isaga oo sheegay inuu soo bixi doona bisha December ee sanadkan 2023-ka.
“Waxaan rabnaa in deyn cafinta ay dhammaato bartamaha bisha December ee soo socota muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta” ayuu yiri wasiir Biixi Imaan Cige.
Bixii ayaa hadalkiisaraaciyay “Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono”.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in arrinay ay ku timid dadaalka ay dowladda ka sameysay dakhliga gudaha oo uu xusay in 25% horumar ballaaran laga sameeyay
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la maareeyay canshuur dhaafka dalka oo markii hore dhibaato weyn ay ka jirtay, taasina ay keentay inuu sii horumaro dhaqaalaha dalka.
Ugu dambey犀利士 n wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka socda ay bixiyaan canshuuraha, si ay u helaan adeeg dadweyne oo muhiim ah.
“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna bozgaadinayaa inay door ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirku.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Biixi ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxda, kaas oo uu tilmaamay inay door weyn ku leedahay wasaaraddiisa.
Wasiirka ayaa xusay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cuuryaaminayo Al-Shabaab, laguna cunaqabeynteynayo ilaha ay ka hesho dhaqaalaha.
Wasaaradda waxay qayb ka tahay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dhanka maaliyadda sidii loo xakameyn lahaa, loona cunqabeyn lahaa” ayuu yiri wasiir Biixi.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la soconaa qaab kasta oo ay u maleegi karaan inay dadka Soomaaliyeed hantidooda iyo maaliyadooda ay culeys ku saaraan ama ay uga faa’ideystaan dadaaladaas runtii waas sidii wadi doonaa inta laga ciribtirayo argaxgixisada”.
Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan casnhuurta, si ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.