Uganda oo dacwad ku soo oogtay Askar dad shacab ah ku laayay gudaha Somalia

17″ Aug’2021″ Wednesday Kampala

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in loo qabtay askar ka tirsan cidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dowlada Uganda dil dhawaan loogu geystey dad rayid ah oo beeralay ah deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Madaxweynaha dalka Uganda Uweri musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah.

Museveni ayaa ku tilmaamay dilka dadkan rayidka ah inuu ka yimid askar aad u careysned haatana ay sugayaan in sharciga la horgeeyo.

Dowlada Uganda ayaa sheegtay inay magdhow ka bixin doonto dilka loo geystey dadka rayidka ah.

Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.

“Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya dhawaan waxaa la sheegay in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo Al- Al-shabaab.

Leave a Reply