Dowladda Britain oo taageero u fidinaysa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarkii xeebta Liido

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay ama dadkooda ku waayey weerarkii xeebta Liido ay xaq u leeyihiin in ay magdhaw helaan, si waafaqsan “qorshaha magdhawga ee dadka ay dhibaatadu ka soo gaarto dibadda”.

Weerarka oo dhacay 2dii Agoosto ayaa waxaa ku dhintay tiro ka badan 30 qof, ayadoo in ka badan 200na ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska UK u qaabilsan arrimaha dibadda, barwaaqo sooranka iyo horumarinta ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday weerarkii xeebta Liido inuu yahay mid aragagixiso, isagoo sheegay in dadka u dhashay Britain, midowga Yurub, aagga dhaqaalaha Yurub iyo Switzerland, iyo sidoo kale xubnaha askarta Ingiriiska ay magdhaw ka raadsan karaan hay’adda magdhawga dhaawacyada fal-dambiyeedyada ka dhasha ee loo yaqaano CICA.

Warkan ay shaacisay dawladda Ingiriiska ayaa intaa ku daray in dadka magdhawga dalbanaya aysan u baahnayn in ay lacag dhinaca sharciga ah bixiyaan, waxayna heli karaan adeeg sharci oo lacag la’aan ah.

Sidoo kale, dadka ku dhaawacmay weerarkii degmada Macomia ee gobolka Cabo Delgado ee dalka Mosambiik oo ah gobol saliida hodan ku ah ayaa iyagana xaq u yeeshay inay magdhawga dalbadaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa qaraxa ka dib tallaabo qaadday.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo habeenimadii ku booqday isbitaalka Erdogan shacabkii ku dhaawacmay Qafraxii ka dhacay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey Alshabaab goobaha dagaalka ay beegsadeen dhallinyaradii indhaha u ahaa mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa buu yiri dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa isna shir degdeg ah la yeeshay saraakisha amniga qaabilsan kadib qaraxii Xeebta liido oo ay ku dhinteen ugu garan 37 qof, 247 qofna ay ku dhaawacmeen.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa iyagana u qoondeeyey lacag nus malyan dollar gaaraysa dadkii ay dhibaatadau ka soo gaartay weerarkii xeebta Liido.

Muuqaallo argagax leh oo muujinaya tobannaan ruux oo daadsan xeebta Liido ee Muqdisho ayaa ku baahay baraha bulshada. Waxa uu muujinayaa dad dhallinyaro u badan oo aan la ogayn dhaawac iyo dhimasho midka ay yihiin markaas, balse dhulka wada yaalla.

Muuqaal kale oo la duubay daqiiqada ka hor xilliga qaraxu dhacay ayaa isna muujinaya tobanaan dhalliyaro ah; haween iyo ragba isugu jira oo damaashaadaya xeebta Liido. Qaar ayaa majo baxsanaya, kuwa ayaa dhulka fadhiya, kuwa kalana waxay ku caweynayeen kafeeyada ku yaalla dhinacyada xeebta.

Balse muddo yar ka dib, wax walba waxay isku badalayaan isku dhexyaac iyo kala orod – markii halmar uu iftiin holcaya indhaha ka qabto dadkii xeebta ku sugnaa kadibna ay maqlaan dhawaq xooggan oo aysan dhagahoodu jeclaysan.

Muuqaal kale oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya sida da’yar ku laafyoonayay xeebta ay naxdin iyo qarracan ugala carareen naftooda goobtii ay damaashaadka u soo doonteen.

Culayska ugu badan ayey isbitaallada Muqdisho kala kulmeen in dhiig la helo, ayadoo baraha bulshada la isugu ditayey farriimo ah in degdeg dhiig loogu baahan yahay.