Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, iyadoo u aragtay mid u xaglinaya dowladda Itoobiya

3-‘January-2024 – Dowladda Federaalka Soom犀利士 aaliya ayaa si adag uga hortimid hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, iyadoo u aragtay mid u xaglinaya dowladda Itoobiya. Warbixin Dheeho News Every Day

IGAD oo ka hadashay heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa “walaac xoogan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS)” sidaas waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay IGAD.

Waxaa Bayaanka sidoo kale lagu yiri: “Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.

Xoghayaha fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.

“IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagusoo gabagabeeyay bayaanka.

Leave a Reply