23″ March 2023
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gaadiid dagaal oo fara badan ku wareejisay maamulka Jubaland ee haatan fadhigiisa uu yahay magaalada Kismaayo.
Qoraal kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in gaadiidkan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka deegaanada Jubaland looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.
“Dowlada Jubaland ayaa maanta Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubaland
Warar kale waxa ay sheegayaan in Dawladda Imaaraarka Carabta Gaadiidkan dagaal ay iyada geysatay Jubbaland oo ay adeegsan doonto, halkaas oo dhawaan laga dhisayo saldhig Milateri oo ay yeelanayso Imaaraatka Carabta.
Wararka waxa ay intaasi kusii darayaan in Garoonka Diyaaradaha, Dekeda Kismaayo iyo dhulbaaxad weyn leh ay Imaaraatku lawareegayaan oo Jubbaland ah.
Sanadkii 2017 ayaa u dambeysay Imaaraatka oo gaadiid dagaal toos u geeya dawlad gobaleedyada, iyadoo saameyntoodii ay dib usoo laabatay wixii ka danbeeyay ianedelkii dalka ka dhacay 15-kii May