Dowladda Kenya oo war rasmi ah ka soo saartay dagaalkii Beled-Xaawo

25″ January ” 2021″Nairobi

Dowladda Kenya oo war kasoo saartay dagaalladii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduuda laba dal.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay in dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland, balse aysan qeyb ka aheyn ciidamada Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magangalyo doon ah oo soo gala gudaha Kenya, isla markaana adkeyn karto xaaladda amni, dib u dhacna u keeni karto guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

waaberigii hore ee saakay ka soo baxay dowladda Soomaliya ayaa lagu yiri, “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo

Leave a Reply