Dowladda Somalia Iyo Sacuudiga oo ka wada Hadlay Dib U Furista Xarun Safaarad

8″ June” Tuesday “2021” Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta oo talaado ah waxaa soo gaaray wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee dalka yimid.

Wasiiru dowlaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay yihiin xoojinta xiriirka wanaagsan ee iskaashiga ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Labada dhinac ayaa kulankooda sigaar ah diirada ugu saaray sidii dib loogu furi lahaa Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sacuudiga, iyada oo la isla gartay ka shaqeyn dib u furista Xarunta Safaaradda.

Leave a Reply