Somalia Iyo Kenya oo Ka Kala Hadlay Dadaalka Qatar Ee Caadiyeeynta Xiriirkii Labada Dal

6″ May “2021” Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaaray.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta in xiriirka labada lasoo celiyay, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal horey uga dhexeeyay

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-cadaala.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynayaasha labada dal ay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintaan.

Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xiriirka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xiriirka.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wax yar kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ka helay dhambaal Amiirka al Thani oo loo sii mariyay ergeygiisa gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani

Maalintii Isniinta ee 3-da May, ergeyga gaarka ah wuxuu sidoo kale fariin gaar ah gaarsiiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo

Leave a Reply