Dowlada Somalia Iyo Maamulka Galmudug oo ka hadlay Qabashada Ceelbuur

25- August-2023

Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalkii galabta lagu xoreeyey degmada Ceelbuur, kaas oo weli socda.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan.

“Ceelbuur waxay aheyd goobta ugu weyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay Khawaarijtu ka joogtay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca qaranka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonto markii lasoo gabagabeeyo howlgalka ka socda Ceelbuur.

Ciidamada qaranka ayaa galabta xaqiijiyey gacan ku heyta degmada Ceelbuur iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah.

Kooxda Al-Shabaab oo abaabul dagaal maalmahaan ka waday Ceelbuur uma suurta gelin inay difaacato magaaladaan, waxaana galabta la galay magaalada oo cidlo ah.

Qoor Qoor oo War ka soo saaray xoreynta Ceelbuur iyo dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug xoreynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee maanta soo galay gacanta ciidanka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guusha taariikhiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Xoreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan argagixisada diiddan nolosha aadanaha iyo horumarka.”

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan xoogga saareynaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay dhiig miiratadu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer.”

Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday inay si deg deg ah ula soo gaarayaa  dadweynaha adeegyada aasaasiga u ah noloshada aadanaha.

“Galmudug waxay ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbad caalamiga ah in ay u hawlgalaan gaarsiinta adeegyada bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Khawaarijta la wadaagay hambalyo guud, wuxuuna ciidamada geesiyada ah ku ammaanay in ay dadweynaha reynreynta iyo naacawda xorriyada u horseedeen.

“Xoreynta dhulkii ku jiray gacanta cadowga waxay muujineysaa wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale  ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Dowladda Somalia oo la wareegtay Magaalada Ceelbuur

👉Dowladda Somalia oo la wareegtay Gacan Ku heynta Magaalada Ceelbuur Iyo firxadka maleeshiyada Alshabaab oo la daba-joogo

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeedu uu qabsaday degmada istaraatiijiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii looga itaal roonaaday maleeshiyada Al-Shabaab dagaal ay iskudayeen inay la galaan ciidamada dowlada

Degmada la xoreeyay ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ku taal bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku hayay kooxda al-Shabaab tan iyo sanaddii 2017-kii

Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud ayaa Olole u galay in uu argagixsada ka xoreeyo deegaanada balaaran ooy isku kala bixisay alshabaab intii lagu jiray nidaamkii Madaxweynihii hore ee Maxamed C/laahi farmaajo

VOA ayaa warisay Qabashada Ceelbuur oo noqonaya guul-darro xooggan oo kooxda Al-Shabaab soo wajahaday, maadama ay halkaasi u ahaeyd fariisinkii ugu weynaa ee kooxdu ay ka joogtay bartamaha Soomaaliya

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1695085323477188945?t=壯陽藥 MK2fh3hPx5gky5C3CYCYGA&s=19

Leave a Reply