Dowladda Somalia Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotelka Xayaat

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.

壯陽藥

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii ku bilowday qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ee xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto daryeelka dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Al-shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa intaas kusii daray hadalkiisa inuu u mahadcelinayo bahda Caafimaadka oo uu xusay inay qeyb ka qaateen gurmadka loo sameeynayo dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba, wuxuuna xusay in xogta khasaaraha ee uu shaaciyay kasoo uruuriyeen Isbitaalada Magaalada.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray dagaalkii socday in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah, oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalameen hotelka Xayaat, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ay ku leysay 

Leave a Reply