28″ December “2022
Dowladda Soomaaliya ayaa digniin U dirtay Shirkad Shidaal Baaris Ka Wadda Gobolada Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland Dheeho.com
Iddaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa tabisay in War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaal looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee la baxay Somaliland.
Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya
Dowladda ayaa ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya.