Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la hakiyey duulimaadyada Baydhaba

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa ka hadashay wararka saaka la baahiyay ee la xiriiray in dowladda dhexe ay joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba aysan waxaba iska bedelin oo sidoodii ay ugu safraan magaaladaasi.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in wararka sheegay in la hakiyay duulimaadyadii Baydhabo ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaa idin caddeynayaa in aan la hakin duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhabo, wararka la wareejinayo waa kuwa aan sal iyo raad toona laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha garoonka

Inkasta oo ay jiro xiisada siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, haddana waxa maalmihii dambe soo baxayay warar u badnaa been abuur oo hurinaya xiisadda labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la hakiyey duulimaadyada Baydhaba