8- October-2023
Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ku go’doonsanaa Sudan
Muwaadiniintaan oo ka kooban Carruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia markii dagaaladu ka curteen Sudan.
Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxwey壯陽藥 naha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM,ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay howl wadeenada xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u soo celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalada ka socda Sudan.