1- November-2023″
Xubin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo shaqadii iska casilay Falastiin darteed
Agaasimaha xafiiska New York ee Qaramada Midoobay ee gaar ahaan qaybta xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamada Yurub in raali ka yihiin werarada wuxuushnimada ah ee Israa’iil ka wado Gaza.
壯陽藥Shaqadiisa ayuu joojiyay isaga oo ka qayb qaadanayay mudaharaad ka dhacayay Maraykanka oo ka dhan ahaa sida uu ugu fashilmay waddanku waajibkiisii ahaa inuu ka hortago “xasuuq lagu hayo dadka reer Falastiin.”
“Tani waxay noqon doontaa xiriirkii ugu dambeeyay ee aan idinla lahaa ka gaasime ahaa,” ayuu Craig Mokheiber qoraal ahaan ku yiri.
Dal Israa’iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay
Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.
Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.
Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?
Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.
Xamaas oo ku dhawaaqday in ay burburiyeen baabuur dagaal oo ay leedahay Israa”iil
Guutada Al-Qassam ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay u suurtagashay in ay burburiyaan 4 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo wada gantaalaha “Al-Yassin 105”.
Waxa ay sheegeen in ay ka saareen ciidan kuwa dhulka ah oo ku sugnaa dhismo ku yaalla Beit Hanoun.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la shaaciyay inta uu la’egyahay khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xamaas
Jordan oo kamid noqoneysa wadamada safiiradooda kala baxay Israa’iil
Boqortooyada Jordan ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, iyada oo muujineysa halka ay ka taagan taha dagaalka Gaza, kaas o sababay dhimashada Falastiiniyiin badan, sidoo kalana sababay xaalad bani’aadanimo oo daran, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibadda ee Jordan.
Dhanka kale war uu soo saasaaray wasiirka arimaha dibadda ee Jordan ayuu ku sheegay in Safiirkii Israa’iil ee Jordan uusan ku soo noqon karin waddanka. Safiirka ayaa dhawaan isaga tagay Jordan.
Wasiirka ayaa sheegay in hadii safiirku soo noqdo ay micnaheeda tahay in Israa’iil ay joojineyso dagaalka ay ku wado Gaza, sidoo kalana ay joojineyso waxa uu ugu yeeray musiibo bani’aadanimo, taas oo Falastiiniyiinta u diiday inay helaan cunto, biyo, daawo, iyo xaqa ay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan iyaga oo ku sugan caradooda.