DFS oo ka hadashay dagaal ka dhacay Raaskambooni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul ka Sheegtay Dagaalka..

Ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan jiida hore ee Raaskambooni ayaa sheegaya in Axmed Madoobe oo gurmad ka helay Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Badhaadhe uu horumar ka sameeyay dagaalkii maanta halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa isaga taabacsan ee Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay Gobalka Jubada Hoose.

War qoraal ah oo lagu baahiyay bogagga dowladda ayaa lagu sheegay in ciidan ka tirsan maamulka Jubaland ay weerareen fariisin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose.

“Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dowladda.

Mar sii horraysay maamulka Jubaland ayaa iyana sheegay in ciidanka dowladda ay weerareen fariisimo maamulkaasi ku lahaa gobalka Jubada Hoose.

BBC-da si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashada labada dhinac.

dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in wasaaradda gaashaandhigga ay si gaar ah ula socotay dagaalkaas.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah”

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo cidda wareeka qaadday maadaama is gaarsiinta deegaanku ay go’antahay.