Dowladda Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami Ah

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan fogaan arag ah la yeeshay Madax ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay Dalka Masar.

Kulankaasi waxaa looga wadahadlay sidii qaar ka mid ah Dowladaha Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya uga cafin lahaayeen deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Waxa uu u mahadceliyay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo dhamaan ka qeybgalayaashii shirka maanta oo u dhacay si heer sare ah.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso is-badalka Maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka.o

HORMUUD TELCOM ISGAARIIN LA HUBO

Leave a Reply