Maamulka somaliland oo dowlada Soomaaliya oo ku eedeeyay inay siyaasadeyneeso arrimaha Xajka sanadkaan


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

25″ May”2022″ Radiokulmiye

War kasoo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadeysay arrimaha Xajka sanadkaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani oo ka hadlay arrintaan ayaa intaa ku daray in qoondadii dowladda Sacuudiga ee ka heli jireen oo ahayd 2,082, lagu soo koobay 350, taasina ay sabab u tahay dowladda Soomaaliya.

“Qoondadii Sacuudiga ina siiyey oo ahayd 2,082 ayay kusoo koobeen 350,” ayuu yiri Wasiirka Diinta & Owqaafta Soomaaliland. 

Sidoo kale, xukuumadda Riyadh ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay u qorsheysay guud ahaan Soomaaliya sanadkan inay soo xajiyaan 5,206 dad gaaraya, balse dowlada Soomaaliya ayaana wali ka jawaabin eedeynta Soomaaliland.

Leave a Reply