Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab ay dhaqaale ka hesho Soomaaliya – Wasiir

1″ April “2023

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee lagula jiro Al-Shabaab.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in gabi ahaanba la cuuryaamiyay hanaanka maaliyadeed ee Al-Shabaab, kadib markii ay qaadeen tallaabooyin cusub oo ay dowladdu qaaday.

Al-Shabaab ayaa lacag壯陽藥 iyo badeecado kala duwan ka hela dekedda Muqdisho, goobo ganacsi, hanti ma guurto ah, gaadiidka isaga kala goosha meelaha ay ku xooggan yihiin iyo sidoo kale xoolaha iyo beeraha.

“Waxaa la joojiyay lacagaha baadda ah ee ay Al-Shabaab ka qaadi jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed dekedaha iyo garoomada diyaaradaha”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleysatey in ay kala bar dhigto dakhligii kooxda soo geli jiray iyo bishiiba, kadib markii ay xayirtay xisaabaadka bangiyada iyo nidaamka lacagta moobilada ee Soomaaliya.

“15-gaari oo ay Al-shabaab lacago ku qaadi jireen ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana la dilay 20-ka mid ah horjoogayaasha dhaqaalaha u qaabilsanaa arrimaha dhaqaalaha” ayuu yiri Wasiirka oo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin.

Hadalka Al-Cadaala ayaa imaanaya kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Sanadkii 2022, machad dhanka amniga ah oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canshuuraha Al-Shabaab ay soo geli jireen lacag lagu qiyaasay 15 milyan oo dollar bishii, taasoo ka dhigaysa midda ugu qanisan Al-Qaacida.

Leave a Reply