7″ October “2022
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin, ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Al-shabaab, ka dib xogo ay heleen.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay 19 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab lagu dilay dagaalka, isla markaasna weli ay socdaan howlgallada dhanka ah ragaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa maalmahan waday Deegaannada ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye.