12″ January “2023

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xorreynta degaanka Ceel-bacad.
Ceel-bacad ayaa dhaca xuduuda labada Dowlad goboleed ee Hirshabeelle iyo Galmudug kaas oo ah degaan aad u muhiim ah.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in howlagaladii lagu dagaallamayey Al-shabaab ay weli sidoodii u socdaan.