12-‘December-2023

- FC Copenhagen 1-0 Galatasaray FT
- Manchester United 0-1 Bayern Munich FT
GROUP B
- Lens 2-1 Sevilla FT
- PSV Eindhoven 1-1 Arsenal FT
GROUP C
- Union Berlin 2-3 Real Madrid FT
- Napoli 2-0 Sporting Braga FT
GROUP D
- FC Red Bull Salzburg 1-3 Benfica FT
- Inter Milan 0-0 Real Sociedad FT
Man Utd 0-1 Bayern Munich
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku garaacday Bayern Munich si ay ugu dhameysato kaalinta ugu hooseysa group-keeda Champions League ka dib olole niyad jab leh.
United waxa ay ogaatay inay ku qasban tahay inay garaacdo Bayern, oo markii horeba ku soo baxday Group A, si ay fursad ugu soo baxdo.
Ciyaaryahanka Bayern Kingsley Coman ayaa daqiiqadii 70-aad dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta,waxana u dhaliyay kabtanka England Harry Kane.
Kooxda Erik ten Hag ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ay ciyaartay Group-ka.
Guuldarada ayaa la macno ah in United ay sidoo kale lumisay fursad ay ugu dhici lahayd Europa League iyada oo ku dhamaysatay kaalinta saddexaad.

Inkastoo Inter ay Rabtay Inay Badiso Havana Way Ku Faraxsan Tahay Inay U Gudubtay wareega 16ka.
Marcus Thuram ayaa qirtay in Inter ay ka yara niyad jabtay inaysan ka badinin Real Sociedad kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka Groupyada Champions League, laakiin guud ahaan kooxdu waxay ku faraxsan tahay inay u gudubto wareega 16ka.
Nerazzurri ayaa garoonkeeda San Siro barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxdii ugu dambeysay ee ku soo baxday group-ka, iyagoo hore u dammaanad qaaday u soo bixitaankooda kulamadii hore.
Sidaas oo ay tahay, ku dhameysashada kaalinta labaad ayaa saameyn ku leh kooxda Inter ee ka soo horjeeda wareega 16-ka, maadaama ay hadda wajihi doonaan koox ku guuleysata Group-ka, taasoo la micno ah inay isku aadi karaan kooxaha sida Bayern Munich, Real Madrid ama kooxda heysata horyaalka Manchester City.
Union Berlin 1-2 Real Madrid
Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Union Berlin waxayna u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga iyada oo rekoodh 100% ah haysata.
Kevin Volland ayaa gool u dhaliyay kooxda martida loo ahaa ka dib markii uu goolhaye Frederik Ronnow ka badbaadiyay rigoore Luka Modric.
Guul ay gaaraan ayaa Jarmalka u qaadi laheyd isreeb-reebka Europa League, laakiin weeraryahankii hore ee Stoke iyo Newcastle Joselu ayaa labo gool madax ah u dhaliyay Real.
Kubbad joog hoose ah oo uu soo tuuray Alex Kral ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2, ka hor inta aanu Dani Ceballos dhamaystirin kubbad uu Jude Bellingham ka helay goolka guusha.
Napoli 2-0 Braga
Napoli ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka champions League iyada oo ay uga mahad celinayaan gool majaajillo ahaa oo uu iska dhaliyay Victor Osimhen oo si aan caadi ahayn u dhamaystiray in uu garaaco SC Braga.
Partenopei ayaa 2-1 ku badisay Portugal, sidaas darteed xitaa waxay awoodi kartaa inay hal gool oo nadiif ah ku lumiso waxayna weli u soo baxayaan wareega 16ka ee Real Madrid, laakiin waxa ay ka soo baxeen seddex guuldaro oo xiriir ah intii uu hogaaminayay tababaraha cusub Walter Mazzarri.

Victor Osimhen ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo inkastoo uu xalay ku sugnaa Morocco si uu u soo qaato abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Afrika, Kvicha Kvaratskhelia ayaa ka qaaday calaamadaha hargabka, laakiin Mario Rui, Mathias Olivera iyo Jens Cajuste ayaa weli dhaawacmay. Braga ayaa seegay Alvaro Djaló halka uu ganaax ku seegay Sikou Niakate
PSV Eindhoven 1-1 Arsenal
Kooxda Arsenal oo wax badan iska badashay ayaa bar-baro la gashay kooxda PSV Eindhoven kulankeedii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League.
Gunners ayaa mar hore ku guuleysatay Group B, waxaana tababare Mik壯陽藥 el Arteta uu sideed isbedel ku sameeyay guuldaradii isbuucaan ee Premier League ee Aston Villa.
Waxa ay keentay qaab ciyaareed kala duwan, inkastoo Arsenal ay hogaanka ciyaarta ku qabatay 42 daqiiqo ka dib Eddie Nketiah.
Laakiin PSV ayaa heshay dhibic ay u qalantay kadib markii uu u dhaliyay Yorbe Vertessen.
Nketiah ayaa saddex daqiiqo ka hor dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta goolka u dhaliyay Arsenal oo ay cadaadis wayn kala kulmayeen kooxda PSV oo iyaduna horeba ugu soo baxday wareega 16ka iyada oo ku soo baxday kaalinta labaad ee group-yada.
Waxa ay aheyd mid si heer sare ah u dhameystiray weeraryahanka England, isagoo kubad joog hoose ah ka koontaroolay dhanka midig ka hor inta uusan geesta hoose ee midig ka dhalin cidhifka xerada.

FC Copenhagen 1-0 Galatasaray
Wax kasta oo ay Manchester United samayso, waxba ma yeelan doonto. Kooxda FC Copenhagen ayaa ku soo baxday kaalinta 2-aad ee Group-ka A kadib guul caan ah oo ay ka gaartay Galatasaray
Waxa ay u gudbi doonaan wareega bug baxa ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2010-11, iyagoo ka dambeeya kooxda ku guuleysatay group-yada ee Bayern Munich.
Madaxweynaha kooxda Ankaragucu Faruk Koca ayaa la xiray ka dib markii uu feeray Garsooraha Turkiga
Turkey: Madaxweynaha kooxda kubadda cagta MKE Ankaragucu Faruk Koca ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii uu feer dhulka la dhigay garsoore Halil Umut Meler oo dhex dhexaadinayey ciyaarta kooxdiisu daqiiqadii 97-aad ay barbardhac 1-1 ah la gashay Caykur Rizespor Isniintii, Iyydoo Muuqaal fowdo ah uu daba socday seerigii u dambeeyay.
Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in Koca iyo labo kale si rasmi ah loo xiray ka dib markii ay “dhaawaceen sarkaal dadweyne”.
Madaxweynaha Fifa Gianni Infantino ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aan gabi ahaanba la aqbali karin, rabshaduhuna aysan “meel ku lahayn ciyaarteena iyo bulshadayada”.
Markii uu dhulka ku dhacay, Meler waxa uu la kulmay dhawr dharbaaxo markii uu dul jiifay cawska, waxa soo gaadhay dhaawacyo ay ka mid yihiin jab yar oo wejiga ah.
Waxaa la sawiray Talaadadii isagoo jiifa sariirta isbitaalka oo uu bararsan yahay wejiguna xiran yahay qoorta.
Mehmet Yorubulut, oo ah dhakhtarka sare ee cisbitaalka Acibadem, ayaa sheegay in Meler aanu soo gaadhin wax dhaawac maskaxda ah oo ay u badan tahay in laga saaro Arbacada.
