Dowladda Soomaaliya oo soo ka hadashay dagaal Ceeldheer” Afduubka Culumo Suufi ah Iyo Xubno Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

8-June-2024 Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay tirada Shabaab looga dilay dagaalkii Ceeldheer iyo askarta shahiiday

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii saakay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu laayey kooxda, sida kucad bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in 47 xubnood kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaal la isku riiqmay oo ilaa saddex goobood ka dhacay, sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in shan askari ay kaga shahiideen dagaalka.

Hoos ka akhriso bayaan DF

Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Dagaalka koowaad waxaa uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan.

Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad kale.

Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal,  waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaa ka shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana dowladdu si joogta warbixin uga siin doontaa dadweynaha hadba sida ay xaaladdu noqoto.

Dhinaca kale” Xubno Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay iyo kuwa kale oo la DILAY

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cumar Baarey oo hoostaga magaalada Afgooye ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 2 xubnood, sidoo kalena lagu soo qabtay 13 kale

Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay gaadiidka iyo dadka safareyda ah ay waddada u galaan, balse laga hortegay.

Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Cumar Baarey oo ah halka uu howlgalku ka dhacay.

Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca Kale Al-shabaab oo culimo Dariiqada Suufiyada ah ka afduubtay Laanta Buuro

Wararka ka imanaaya Laanta Buuro ee Galbeedka Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afduubteen ilaa labaatan culimo ah oo ka tirsan dariiqada Suufiyada, culimadaas oo sanad walba iskugu yimaado kulan diimeed ka dhaca Laanta Buuro. Wararku wax ay sheegayaan in qar ka mid ah culimada ay u suurtagashay in ay baxsadaan oo ay ka badbaadaan afdubka.

Al-shabaab ayaa muddo dheer ka soo horjeeday suufiyada oo ay u aragto inay ka soo horjeedaan mabaadi’dooda adag ee Islaamka, waxayna horrey u burburiyeen mowlacyo badan oo ay dariiqooyinka suufiyadu ay lahaayeen.

Weli war rasmi ah, Al-shabaab kama soo saarin Afduubkaas.