Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Addis Ababa u tegaya sii amba-qaadista heshiiskii magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wafdigan oo ay qayb ka yihiin wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad iyo agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna wada-hadallo gaar ah la yeelan doonaan dowladda Itoobiya.