24″ October “2022

Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hawlgalladaan waxa ay ka dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lzagu beegsaday gar犀利士 aash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.
Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.