Dowladda Turkigu Maxay U Ballan Qaaday Somalia In Ay Ka Caawineeyso?

Kulan dhinaca Aaladda zoom-ka ay ku yeesheen Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Mas’uuliyiin Turkiga ayaa labada dhinaca waxa ay isku-afgarteen in Soomaaliya laga taageero awoodda dhinaca si odorisadda iyo ka warqabka isbadalka cimilada.

Kulankan ayaa daba socday safar mar sii horreysay Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  Xamsa Saciid Xamsa uu ku tagay dalka Turkiga, halkaas oo uu soo booqday xarumaha saadaasha cimilada iyo maareynta Musiibooyinka ee dalka Turkiga

Intii uu socday kulanka, waxaa labada dhinac ay ka hadleen hababka ay isaga kaashan karaan wax ka qabashada musiibooyinka soo noqnoqday ee Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Turkiga uu dowr weyn ku leeyahay soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wali Soomaaliya u baahantahay taageerada Turkiga ee dhinaca dhismaha hey’adaha ka shaqeeya badbaadinta nafta oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ugu horreyso

Volkan Mutlu Coşkun Agaasimaha guud ee hey’adda adeegga cimilada DalkaTurkiga oo ka hadlay kulanka waxa uu sheegay in Turkiga diyaar u yahay in qibraddiisa iyo farsamadiisa ku taageero Soomaaliya

Mr. Coşkun waxa uu sheegay in hey’adaha cimilada iyo Maareynta musiibooyinka Turkiga ay Soomaaliya ka taageeri doonaan agabka muhiimka ah si loo yareeyo dhibaatada musiibooyinka gaarsiiyaan dadka iyo duunyada Soomaaliya.

Masuuliyiinta Turkiga waxey ballan qaadeen in ay Wasaaradda Gargaarka ku caawin doonaan agabka saadaasha cimilada, qalabka casriga ah ee meelaha fog fog xogta ka uruuriya iyo habka lagu sii saadaaliyo, lagulana socda abaarta iyo fatahaadaha.

Ugu dambeyn, Xamsa Saciid Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga teegeerada aan kala go’a lahayn ay ku garab taaganyihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya

Leave a Reply