Dr” Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Awood Saayid ah ayaa loo Isticmaalay dadka Laascaano

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha  iyo gargaarka bini aadanimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

Ergayga ayaa sheegay in shacabka Laascaanood loo adeegsaday awood xad dhaaf ah, waxaanu usoo jeediyay Somaliland in aanay xalka awood ku raadin. Sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay ergaygu.

“Allaha u naxariisto dadka rayadka ahaa ee lagu dilay dibadbaxyada ka socda magaalada Laascaano. Waa arrin laga xumaado oo cambaareyn 犀利士 mudan in awood xad-dhaaf ah loo adeegsado shacab dibadbaxaya.

Dhibaatada Laascano ka taagan waxay cadayn u tahay in si kasta oo horwaynta (Elite) ka siyaasadeed loo qanciyo, aysan waxba ka goynin carada iyo kacdoonka shacabka dhibbanaha u ah amni darrida, horumar la’aanta iyo nolol xumida.

Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqa loo jeedinayo maamulka Soomaaliland ee ah in aysan xalka awood iyo cabburin ku deyin ee ay dhagaystaan dareenka shacabka Laascaanood.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadka dhiilla qabiilaynaya dhibka, in ay cod kaa ka duwan xal iyo nabad ku raadiyaan.

Dhacdada Laascaano waxaa iiga muuqda astaamihii kacdoonka aqlabiyadda Aamusan” ayuu  yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Laascaanood ayaa maalintii afraad ay ka socdaan rabshado tiiyoo laga maqlayo xabada ay ridayaan ciidanka Somaliland magaalada gudaheeda

Leave a Reply