2″ January “2023” REUTERS/ ALJAZEERA
Dubai waxay hoos u dhigtay boqolkiiba 30 canshuurta khamriga si ay u soo jiidato dalxiisayaasha, ajaanibta ah- Iyadoo uu socdo qorshaha Imaaraatka Carbta uu ku hirgalinayao Khamaarka ugu horreeya ee Khaliijka” Warbixintan Oo Dhameeystiran Waxaad Ugu Tageeysaa Shabakada Dheeho.com
Isbeddelka canshuur dhimist Khamriga oo dhaqan galay Axaddii shalay ayaa socon doona muddo hal sano ah oo tijaabo ah, sida ay sheegtay Reuters oo soo xiganeeysa warbaahinta gudaha
Hakinta canshuurta boqolkiiba 30 ee khamriga ayaa sidoo kale meesha ka saartay khidmadii shatiga ee horay loogu baahnaa si loogu iibsado khamriga xarunta ganacsiga iyo dalxiiska ee Dubai, laba tafaariiqle oo waaweyn ayaa sidaas ku sheegay baraha bulshada.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay sare u qaaddo Dubai, oo ka tirsan Imaaraadka Carabta, in ay aragto imaanshaha dalxiislayaal iyo ajaanib kale ooy soo jiidatay qaab nololeedkeeda xorta ah, marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee Khaliijka sidaas waxaa yiri dhaqaalaha ka faalooda oo Aljazeera ka tirsan
Xafiiska Warbaahinta Dubai Iyo maamulayaasha magaalada ooy la xiriirtay Reuters ayaan ka jawaabin codsiga wakaalada
Dhaqaalaha Dubai ayaa si degdeg ah uga soo kabanaya masiibada COVID-19, iyadoo wax soo saarka guud ee g壯陽藥 udaha (GDP) uu kordhay 4.6 boqolkiiba sanadka sagaalka bilood ee ugu horreeya 2022.
Dalxiiska waa tiir muhiim ka ah dhaqaalaha Imaartaka Carabta, iyadoo tirada dalxiisayaasha ay aad u kordheen in ka badan 100%80 qeybtii hore ee sanadkii tagay 2022
Dubai, oo ay ku yaalliin dhismaha ugu dheer adduunka iyo jasiiradaha u qaabaysan sida geedaha timirta, ayaa wajahaya tartan gobol oo sii kordhaya.
Dhowr wadan oo khaliijka ah ayaa soo rogay cashuuraha VAT iyaga oo si isa soo taraya u rogaya canshuuraha si ay kor ugu qaadaan dakhliga aan saliida ahayn
Sacuudi Carabiya, tusaale ahaan, waxa ay balaayiin ku maalgalinaysaa si ay u dhisto hanaankeeda soo jiidashada dalxiiska iyada oo la kaashanaysa dadaallada ay ka midka yihiin Mashruuca Badda Cas, oo martigelinaya dhacdooyin dhaqameed waaweeyn Iyo ciyaaraha fudud ee gabdhaha
Qatar waxa ay sidoo kale rajaynaysa in dalxiisalayaasha dalkeeda uu kordho ka dib Martigalintii sanadii hore ee Koobka Adduunka
Khamaarka ugu horreeya ee Khaliijka, ayaa lagu wadaa in laga furo Sanadka 2026-da Imaaraatka carabta halkaas oo xeerarka Islaamku ay muddo dheer ka ilaalinayeen khamaarka-laakiin hada waxaa socda dhismaha goob dalxiis oo ay dhisayso shirkada ay maamusho Wynn Resorts.