Dublamaasi Israa’iil ah oo laga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika

19″ February “2023

Israa’iil ayaa ku eedaysay Koonfur Afrika iyo Algeria inay afduub ahaan u haystaan ​​Midowga Afrika Iyo in ay qabaan Yuhuud “nacayb” kadib markii Diblomaasi sare oo Israa’iili ah laga saaray shir-madaxeedka Midowga Afrika ee Itoobiya, Dheeho.com

Joogitaanka Haweeneeyda danjiraha Israel ee dalka Ethiopia shirka Midowga Africa Ambassador Sharon Bar-Li ayaa cirka ku shareeray khilaafka ku saabsan aqoonsiga Israel ee ururka.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo ammaanka ka tirsan oo ka soo baxayay hoolka shirarka iyaga oo banaanka u soo saaray Ambassador Sharon Bar-Li oo xafladda furitaanka shir madaxeedka oo Sabtidii ka dhacay magaalada Addis Ababa timid iyadoo aan la casuumin

壯陽藥 >

Ebba Kalondo, oo ah afhayeenka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa sheegtay in dublamaasiga shirka laga saaray sababtoo ah ma aysan ahayn safiirka Israa’iil ee Itoobiya u fadhiya – sarkaalkii la filayay inuu yimaado shirkan

Sarkaal ka tirsan AU ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in dublamaasigii “la waydiistay inuu baxo” aan lagu martiqaadin kulanka, iyada oo martiqaad aan la wareejin karin la siiyay oo keliya safiirka Israa’iil ee Midowga Afrika, Aleli Admasu.

“Waa wax laga xumaado in shakhsiga laga hadlayo uu ku xad-gudbo ixtiraamka noocaas ah,” ayuu sarkaalku intaas ku daray

Vincent Magwenya, oo ah afhayeenka madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo goobjoog ka ahaa shirka, ayaa dalbaday in Israa’iil “ay xaqiijiso sheegashadeeda” ka dib markii ay ku eedaysay cadawga weyn ee Iran inay soo abaabushay tallaabadan iyadoo gacan ka heleysa Algeria iyo Koonfur Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in mas’uulka safaaradda Koonfur Afrika loogu yeeri doono canaan.

Koonfur Afrika ayaa diiday sheegashadaas, iyadoo sheegtay in codsiga Israa’iil ee goob-joogenimo ee Midowga Afrika uusan go’aan ka gaarin midowga

“Israa’iil waxay si adag u eegeysaa dhacdadii agaasime ku xigeenka Afrika, Ambassador Sharon Bar-Li, laga saaray hoolka Midowga Afrika, inkastoo ay ahayd goob-jooge la aqoonsan yahay oo wadata calaamado gelitaanka,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil.

Leave a Reply